Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale isku afgartay siideynta Maxaabiis horleh

4127

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya   Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.

War Wakaaladda SONNA ka heshey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Ra’’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka telfoonka kula hadlay raiisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here