Dayax madoobaadkii ugu dheeraa Qarniga 21-aad oo xalay la arkay

1130

Habeenkii xalay ayaa Malaayiin qof oo kunool dunida ayaa arkay dayaxmadoobaadki ugu waqtiga dheeraa ee Qarniga soo mara adduunka,wuxuuna socday muddo saacado ah.

Malaayiin ruux oo kunool dunida ayaa bilaabaya cibaado iyo alle bare,iyagoo weydiisanayay alle in uu adoomadiisa uu u dembi dhaafo,Dayax madoobaadkan ayaana ahaa midkii ugu dheeraa qarniga 21aad, sida ay sheegayso hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka (NASA) loo yaqaano,taasi oo horey u saadaalisay.

Culimadda muslimiinta ayaa ku boorinayay bulshada in ay bilaabana aale bari si uu rabbi ugu dembi dhaafo adoomadiisa oo gafka badan,sidoo akle waxaa la arkayay magaalada Muqdisho xaafado ka mid ah qaar kamid ah bulshada oo isku soo baxay si ay u mideeyaan alle barig aiyo qushuuca,Waxaa Dadka nasiibka u yeeshay inay daawadaan dayax madoobaadka ay daawanayeen hal saac iyo 43 daqiiqo oo dayax madoobaadkaas uu soconay.

Meelaha sida wayn looga dareemay waxaa ka mid ah Soomaaliya,qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika,Australia iyo goobo kale oo caalamka ka tirsan.

Siinisyahanada ayaa horey u saadaaliyay inuu dhacayo dayax madoobaadkani,iyadoo 24 saacadood ee la soo dhaafay ay soo bexeensaalaal la xiriirta arrintaasi.

Dayax madoobaad ayaa dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan,taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa,sida ay sheegayaan culimada seyniska,waxaana Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka.

Koofurta Ameerika, ayaa qeyb ahaan laga arkay deegaannada dhinaca bari sida magaalooyinka Buenos Aires, Montevideo, Sao Paulo iyo Rio de Janeiro.

Magaalooyinkaas iyo kuwa u dhowba waxay dadku arkeen marka uu dayaxu godka sii galayay, ama daliigta u eg in cirka iyo dhulka ay iska galaan.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo dayax madoobaad uu  dhoco ayaa hadana waxa la sheegaya in kii xalaya uu ahaa kii ugu dheeraa qaranigan 21-aad.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here