DEG DEG: Ciidammada ammaanka oo la wareegay amniga Hotelka Maka Al-Mukarama

2
3688

Ciidammad aammaanka ayaa la wareegay ammaanka Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaddib markii ay ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ay toogteen dhammaan kooxdii weerarka ku soo qaadday hoteelka.

Wariye Nuur Siciid Tahliil oo ka tirsan Radio Muqdisho ayaa ku soo warramaya in ciidanka booliska qeybtiisa miinada baarta ay gudaha u galeen hoteelka, kaddib markii ay ciidanka hay’adda NISA ay toogteen qofkii ugu dambeeyay kooxdii hubeysneyd ee Hotelka ku jiray.

Sidoo kale waxaa hoteelka laga saaray dhammaan dadkii shacabka ahaa ee ku go’doonsanaa.

Ciidanka ammaanku waxay toogteen dhammaan kooxdii weerarka soo qaadday oo ka koobneyd shan qof. kuwaas oo meydkoodu uu yaallo gudaha hoteelka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. Waa war naxdin iyo farxad isku jira intii dhimatay illah naxariistisa hasiiyo dhawacana ha cafimaad hasiyoo amin waxan oron laha dadka ganacsiga ku haysta muqdisho inay taxadar dheerada siyan amanka gooba ay ku haystan meheradaha siguna amenka goobta maxa yelay koxdan nabadiidku gobahan ayay ka ugarsadan wa mahad santahiin radio muqdisho

  2. aad baan uga xumahau koha dhagar qabayaasha sida foosha xun oo ay kulayeen shacabka somaliyeed oo anu waxbo galabsan. inshaa allaah mar un ayagoo sharciga lasoo saari dono allow ina tusi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here