DEG DEG DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay isku dhacii maanta ka dhacay Muqdisho.

6922

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay isku dhac u dhaxeeyay ciidammo ka tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay isku dhacaasi inuu ahaa shil ku dhacay si kama isla markaana ay ka xuntahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in haatan uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadaasi.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaadhaanshigga Soomaaliya C/rashiid c/laahi Maxamed ayaa sheegay in falkaan dhacay dowladdu ay ka xuntahay sidoo kalana aysan saamayn ku yeelanaynin wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka Qaranka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here