Maxkamada Darajada Koowaad Ee Ciidanka Qalabka sida oo saaka sadax ruux toogasho ku fulisay (DAAWO MUUQAAL)

1378

Maxkamada Darajada Koowaad Ee Ciidanka Qalabka sida Ee Somalia ayaa waxaa ay Goordhaw Dil Toogasho ah ku Fulisay sadax Gacan ku dhiigle oo horay Dilal ugu geystay Mawaadiniin Soomaaliyeed isla markaana  Maxkamada Ciidanku ay Horay Xukunka ugu riday Markii lagu helay dambigaas.

Sadaxdaan Ruux Ee saaka la toogtay ayaa waxaa mid ka mid ah uu ka tirsanaa Maleyshiyaadka Kooxda Nabadiidka ah Ee Al shbaaab halka labo kalena ay ahaayeen rag horay uga tirsanaa Ciidanka qalabka sida Ee Somalia dilalna ay geesteen .

Dadka Saaka Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ay Toogatay ayaa waxaa ka mid ahaa Ibraahim C/laahi cali oo horay u dilay Wiil Filim qaade ahaa oo lagu Magacabai jiray Sakariye Maxamed Maxamuud Macali  oo uu ku toogtay Degmada Shibis Ee Gobolka banaadir  sidoo kale waxaa uu dilay Ex Dable Cali Mambuuq waxaa kale oo ka mid ahaa dadka Saaka la toogtay  C/laahi Cartan Maxamuud oo 22 jir ah horayna uga tirsanaa Ciidanka qalabka sida Ee Somalia kaas oo horay u dilay Axmed Cabdi raxmaan Shariif oo uu ku dilay Degmada Shibis Ee Gobolka banaadir.iyo Qofka kale Ee saaka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Ex Dable C/fitaax Axmed Cabdi oo29 jir ah oo isna ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somalia horayna u dilay Maxamuud Xasan Maxamed.

Aabaha dhalay Sarakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo saaka goob joog ahaa Goobta lagu toogtay Gacan ku dhiiglihiui dilay Wiilkiisa ayaa soo dhaweeyay Xukunka Maxkamadu fulisay isagoo sheegay in ay mUuqato cadaalad iyo garsoor Bulshadu ay isku haleyn karto Waxaana uu ku taliyay in sidaan oo kale Cadaalada loo mariyo cid kasta Dishay Mawaadin aan Dambi lahayn.vlcsnap-2014-12-04-13h14m27s124

vlcsnap-2014-12-04-13h14m36s221

vlcsnap-2014-12-04-13h14m42s27

vlcsnap-2014-12-04-13h15m14s87

vlcsnap-2014-12-04-13h15m24s237

vlcsnap-2014-12-04-13h15m30s27

vlcsnap-2014-12-04-13h15m42s164

vlcsnap-2014-12-04-13h15m57s73

vlcsnap-2014-12-04-13h16m03s113

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here