DEGDEG: John Kerry oo Muqdisho soo gaaray

0
2550

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka  John Kerry ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iy o Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Mr Kerry iyo Madaxda Qaranka ayaa waxa ay ka  wada hadlayaan horumarka ay dowladda ku tallaabsatay iyo kaalinta uu Mareykanka geysan karo sidiii dowladda looga caawin lahaa la dagaallanka argagixisada.

Afhayeenka madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa Radio Muqdisho u sheegay in madaxda maamul-goboleedyada ay ka qeyb galayaan kulamada u dhaxeeya John Kerry iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya.

la soco wixii ku soo kordha

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here