Degmada Shangaani oo lagu qabtay xaflad Wacyi-gelin ah

0
901

Munasabad lagu wacyi gelinayo ololaha nadafada ee ka socda casimadda dalka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay Degmada Shangani ee gobalka Banaadir.

Munasabada  ayaa waxaa  ka qeyb galay xubno uu ka mid ahaa gudomiye ku xigenka dhinaca Siyaasadda ee maamulka G/Banaadir  Maxamed Aadan Guuleed (Cana-Geele) Gudomiyaha Degmada Shangani Saciid Buube gudomiyasha degmoyinka iyo qaar ka mid ah agaasimayasha D/hoose ee Muqdisho.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayad ay dhigayeen kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaliyeed taas oo ka turmeysay ololaha Nadaafadda ka socda caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here