Degmo ka mid ah Gobolka banaadir oo la Abaal mariyay

5976

Munaasabad kooban oo lagu qabtay dagmada xamar jajab isla markaana ay ka soo qeyb galeen gudoomiye ku xigeen ka koowaad ee maamulka gobolka banaadir ayaa waxaa lacag 50 malyan oo shilinka soomaaliga ah lagu abaal mariyay maamulka dagmada xamar jajab.

Kadib markii ay kaalinta koowaad ka galeen barnaamijka qaadista canshuurata guryaha.

Gudoomiyaha dagmada xamar jajab Axmad Cismaan Doore ayaa sharaxay u jeedka munaa sabadaan

“Waxaa uu yiri:- in wixii gudoomiyaha gobolka banaadir ee qarashaad ahaa ee 50 milyan ahaa oo dagmada xamar jajab

kasoo qaadnay islamarkaana aan bulshada dagmada ku celineyno taas oo an ula jeedo dhiira galin waan wax wanaag san ayuu yiri in shaqada leysku abaal mariyo.  marka 50 malyan wexey ku laabaneysaa gacanta dadkii ka soo shaqeyay ee aanan mushaarka qaadan jirin;” A

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ahna ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee maamulka gobolka banaadir mudane Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo munaasabada ka hadlay waxa uu ku amaanay shacabka dagmada xamar jajab sida ay ugu xeran yihiin maamulka dagmada

Waxa uuna yiri:- “ ”Lacagtaan manta gobolka idinkugu deeqay oo leydunku abaal mariyay waa tusaale . lacag weyn maaha laakiin waa mahad celin  aan idinkuugu mahad celineyno shaqada wanaagsan ee aad qabateen.  Oo waliba abaal marin leydin ku siyano degmooyinka kale ee aad kaga hormarteen canshuur aruurinta.

Waxey muujiney saa midaa in ay dadka dagan dagmada xamar jajab in ay dowladnimada kaga horeyaan dagmooyinka kale. Muwaadinka waxa uu ku muujiyaan in uu dowladnimada jecelyahay in uu canshuurta lagu leyahay iska bixiyo.” “

18 bisha April ee sanad kaan ayey eheed markii uu maamulka dagmada xamar jajab kaalinta koobaad kagalay lacagta qaadista canshuurta guryaha oo uu maamulka gobolka banaadir uqor sheyay in lacagtaasi lagu dhisi doono wadada wadnaha oo haatan dhismaheed gabagabo ku dhaw yahay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here