Maareeyaha Dekedda oo kormeeray kooxda Kubadda cagta ee Dekadda

1593

 

Kooxda kubadda cagta ee Dekedda oo  muddooyinkan Tababar ku sameeneysay garoonka Jaamacaddaha ee Degmada Hodan ayaa waxaa maanta Kormeeray Maareeyaaha Dekedda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) iyo ku xigeenkiisa si ay u dhiirigeliyaan ciyaartoyda oo u diyaar garoobaya ka qeyb galka tartanka Kooxaha Bariga & Bartmaha Africa.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa u kuurgalay qaabka uu tababarka u socdo waxaana garoonka kusoo dhaweeyay tababraha kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur ( Yuu Cali ) kaas oo u sharxay qaabka ay u diyaar garoobayaan.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna goobta ka hadlay ayaa amaanay doorka muuqda ee Maamulka Dekedda Muqdisho ay ka qaadanayaan horumarinta kooxda kubadda cagta Dekedda oo dhawaan loo caleemo saaray horyaalka Somali Premier League.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa ugu dambeyn hadalo dhiirigelin u badnaa u jeediyey ciyaartoyda iyo macalimiinta kooxda Dekedda oo u diyaar garoobaya tartanka Cecafa oo 30-ka bishan Ka furmi doona dalka Tanzania.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa ugu dambeyn   Maamulka kooxda kubadda cagta ee Dekeda ku wareejiyey Afar neef oo ari ah oo loogu talo galay ciyaartoyda oo ku xareysan gudaha garoonka Jaamacaddaha .

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here