Dhacdadii 14kii Oktoobar oo Laba Gu’ Jirsatay.

Dunidaan aan ku nool nahay Waligeed dagaal waa ka dhici jiray, lamana arag xilli kaliya oo uusan dabka dagaallada shidnayn ama Aloosnayn,waxaana la soo maray marxalado dagaallo oo taariikhda galay, sida dagaal weynihii 1aad iyo kii 2aad ee Caalamka. Waxay dunida soo martay dagaalkii Tataarka(Mangoolis) uu ku qaaday aadanaha kale gaar ahaan Muslimiintii dhaxashay hadyigii Nabigeenna Csw, oo isagana ka tagay maharto ku tigraaran laabaha in badan oo insaanka ka mid ah, waxayna dagaalladaasi reebeen, kana tageen xusuuso,murugooyin iyo magacyo laga argagaxo oo maqalkeeda aan ku wanaagsanayn dhagaha dadka maanta nool in ay maqlaan sida dagaalkii koowaad, dagaalkii labaad ee aduunka iwm.

Saamaynta colaadahaasi ay reebeen waxaa ka mid ah, Nugliyeerkii lagu dhuftay dalka Jabaan, oo ilaa iyo hadda dadka reer Jabaan xusuustooda aan ka go’in, noqotayna  maalin ay xusaan.

Sidoo kale 14/October sanadkii 2017, Soomaaliya waxay u noqotay maalin Murugo leh…..Maalin Mugdi ah….Maalin Madoow iyo maalin hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan 1655-Qofood….Waa Xusuus ma harto ah….. waana maalin guri kasta oo Soomaali ku nool yihiin dal iyo dibad ay hal mar wada tiiraanyoodeen indhahoodana ay ilmeeyeen, kadib markii gaari xamuul ah “Bagaase” oo laga soo buuxiyey sun iyo kiimikooyin kala duwan iyo waxyaabaha qarxa oo aan la sheegi karin sida ay wax u galeen.

Gaarigii shartaas xambaarsanaa waxaa la dhex keenay dad Soomaaliyeed oo Abriyo ah waxna ka ogayn waxyeelada lala maagan yahay, waxaa si naxariis darro ah, Diin la’aan ah, Biniaadaminimo ka bax ah loogu qarxiyey faras magaalaha iyo halka halbowlaha u ah ama meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho ee loo yaqaan isgoyska Zoobe, qaraxaas oo galaaftay tirada aan kor ku soo sheegay kuna dhaawacmeen laba jibaarka ama 3 jibaarka tiradii dhimatay.Haddaba shacabka Soomaaliyeed ma noqon sida shacbaka Jabaan wayse ku dhadhawaadeen maadaama qaraxaas aan wax badan ka yarayn kii Heroshiima iyo Nagasaaki lagu garaacay.

Runtii Waa xusuus ma harto ah waxaana aniga qof ahaan u aqaan dhacdadii maalintaas isgooyska zoope ka dhacaday xasuuqii Muqdishow” Maxaa yeelay qaraxaasi ma ahayn midkii horay uga dhici jiray magaalooyinka dalka Soomaaliya, waayo? guri kasta oo ku yaala Magaalada Muqdisho 64% qof baa kaga dhintay ama qof baa kaga dhaawacmay

Waxaa intaas dheeraa in la waayey oo ilaa haatan la la’yahay maydad dad aan tirsi lahayn oo raqdooda iyo ruuxdooda aan la hayn meel ay ku dambeeyeen. Waxaa haatan la is waydiiyaa Qaraxii 14-ka October/2017 Muxuu kaga duwan yahay qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho…?.

Dadka badankiisa ayaa waxay isku qanciyaan hadal tiro iyo afkaaro aan lugo adag ku taagnayn oo is bihinbihayn ah oo aad moodo wax qaboojin kara quluubaha qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee wax yeeladu sida gaarka ah ay u soo gaartay Sida: In qaraxaasi uu ahaa qaraxii ugu xooganaa ee ka dhaca Soomaaliya abid, In Qaraxaasi saamayntiisa uu hareeyey guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed.

In Qaraxaasi uu mideeyey Qalbiyada Umadda Soomaaliyeed oo dhan, marka si gaar ah loo durjiyo Qolooyinka Mucaaradka ah, oo iyaga u muuqato uun xumaanta dawladda.

In qaraxaasi aysan sheegan Argagaxida Alshabaab oo markiiba la soo boodi jiray in ay iyagu ka dambeeyaan sidii ay u sheegan jireen kuwii kaas ka horeeyey markii ay magaalada ka fuliyaan, ilaa iyo haddana way ka aamusan yihiin.

 Sida Looga Falceliyey Dhacdadaas

 Madaxda Dawladda, Maamul goboleedyada Soomaaliya, Culumaa’udiin aan tiro lahayn, Ururada dhalinyarada, Aqoonyahanno, Indheergarad, haween, iyo Dawladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa si isku mid ah dhamaantood ugu soo gurmaday dadkii ay waxyeelada ka soo gaaratay mashaqadii 14-ka October/2017 ka dhacday Isgooyskaas caanka ku noqday wixii ka dhacay, waxayna isu raaciyeen mar kaliya Dhiig shubid, hanti ururin, gargaar degdeg ah iyo daawooyin, iyadoo dhawacyadii halista ahaa loo qaaday iyada oo aan gacan bidixayn iyo nin tooxsi ka maran dalka dibadiisa si dhawaacyadooda wax looga qabto.

Xitaa Alshabaab dhexdooda Qaraxaasi awgiis waxaa ka dilaacay khilaaf aad u daran oo laba u kala qaybiyey wada jirkoodii, isla markaana abuuray in gudahooda ay birta iska aslaan kuna waayaan rag fara badan oo jabkooda soo dedejin kara.

Haddaba waxaa qasab noqotay in sidii dunida uga qaylisay Hubka atoomikada ee sida xun wax u gumaado oo kale ay soomaalidana uga qaylo dhaamiso oo ay meel kasta oo ay joogaan iska diidaan in ay raali ka noqdaan in qaraxaas oo kale uu mar dambe aan laga soo abaabulin laguna fulin dad soomaaliyeed, isla markaana ay dawladooda xalaasha ah ku gacan siiyaan soo qabashada kuwa waxaas oo kale farsameeynaya.

Waxaa hubanti ah in xasuuqa maalintaas dhacay ay soomaalidu ka qaateen dareen iyo feejignaan aad u xoog badan, waxaana dalka gudahiisa laga soo abaabulay lagana dhigay isu soo baxyo balaaran, meesha dalka dibadiisa Soomaalida ku dhaqan ay sameeyeen Wax loo yaqaan baroor diiq inkasta uu yahay falkaasi wax aan raad ku lahayn dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo diintooda xaniifka ah.

Waxaan marnaba aan iloobi karin qof ahaan in maalintii uu dhacay qaraxaas habeenkeedii ku xigaya iyada oo la muujinayo in masiibadaas xanuunkeeda uusan gaar ku ahayn Soomaalida oo kaliya, waxaana loo damiyey Nalalka Taallooyin caan ka ah dunida sida Taalada Paris, Buundada ugu dheer Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, Taaladda Caanka ah ee dalka Jarmalka iyo meelo kale, taasoo loo sameeyey dhibanayaashii Muqdisho.

Xasuuqii 14 Octoobar waxaa maanta laga jooga 2 sano oo gaw ah, mana harin sida aan filayo xanuunkii maalintaas la dareemay ilaa hadda oo aan joogno, waxaana qalbiyada dadka soomaaliyeed weli ku soo noqnoqonya dhawaaqa qaraxaas iyo sawirada dadkii garabraratada ahaa, agoontii iyo rajooyinkii ay ka tageen.

Haa!! waa xanuun, waa lama iloobaan dhacdadaas Zoope ka dhacday, waxayna mudan tahay in aan la iloobin lagana digtoonaado dhacdo midaas la mid ah iyo abaabulkeeda mar kale.

Haa!! waa runteey waan arkay idinkana waan idiin sheegayaa dhacdadaas mudadaas aad u fog laga joogo waxaa weli maalin kasta ku soo noqnoqda goobtaas qaraxu ka dhacay qaar baadi goobaya oo aan helin dadkoodii, kana harsan qoraxda kulul oo si aad ka naxayso u eeg-eegaya nawaaxiga meeshaas si ay u arkaan ama u helaan qofkoodii ay jeclaayeen kana maqnaa.

Waxaan halkaan ku qirayaa oo aan ognahay in cid kastaaba ay gurmadka ka qeybgashay wixii ay qaban kartayna ay dhinaceeda ka dadaashay, laakiin waxaa la gaaray xilligii la xisaabtami lahaa oo dambigaas dhacay mas’uuliyaddiisa cidi qaadan lahayd kuwii geystayna lagu ciqaabi lahaa.

Inkasta oo mas’uuliyadda Amaanka uu mid wadareed yahay cidda uu quseeyana ay yihiin shacbiga Soomaaliyeed hadddana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadaa si gaar ah uu u saaran yahay mas’uulna ka ah amniga shacabka iyo ilaalinta xasilloonida dalka,  sidaa darteed waxaa looga fadhiyaa tallaabooyinkeedii hoggaamineed inay qaadato oo ay dardar geliso hawlaheeda amaanka quseeya.

Qaraxii 14 October waxaa dhibaatooyinka sii adkeeyay isdul fuulka iyo saxmadda wadada ka jirtay oo keentay in dadbadan ay dhibaato soo gaarto,Mufakir Richard H. Thaler oo sanadkii 2017 ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Prize-ka dhaqaalaha ayaa Adduunka wuxuu ku soo kordhiyey aragtiyo durbaba ay si wayn ula dhaceen isla markaana ay dhaqan galiyeen Xukuumadaha dunida oo dhan siyaasad ahaana looga faa’ideystay Caalimkaan fikradihiisa casriga ah waxa uu yiri: Waa qasab in maamuladu ay abuuraan fursado ; bedelkii amarro adadag bulshda la kordhigi lahaa, waxaa kaloo fikradihiisa ka mid ahaa in ganaaxa lagu bedelo fursado. Tusaalle: waxa uu tilmaamay qashinka waddooyinka la soo dhigo intii dadka lagu ganaaxi lahaa taa bedelkeeda in dadka loo sameeyo goobo farabadan oo ay qashinka ku shubaan isla markaana laga qaado hadhow.

Sidaa darteed,  aragtida caalimkan waxaa Soomaali ahaan naga khuseeya si saameynta qaraxyada loo soo koobo, ama loo yareeyo in waddooyinka isdul fuulka gaadiidka ku badan yihiin iyo saxmadda  laga yareeyo oo ay gaadiidku helaan waddooyin ay si fudud ku mari karaan oo aan saxmad lahayn iyo in si tartiib tartiib ah oo taxadar leh loo furo waddooyinka xiran ee markii hore dadku gaadiidka ku kala faafijiray. Haddii kale saameynta qaraxyada ee ballaaran way sii soconeysaa oo ma istaageyso.

Qaraxa dabadii waxaa gurmad laga sameeyay si filiqsan oo aan haybeysneyn dhammaan daafaha kala duwan ee adduunka iyo meel kasta oo ay Soomaali dagto, waxaa loo baahan yahay dadaalkaa in la mideeyo si loogu gurmado dhaawaca iyo dhimasho kale haddii iyo haddii uu Eebbe qadaro.

Sidoo kale maadaama dadkii  ku waxyeelloobay qaraxii Zoope ay u badnaayeen dad iska tabaalaysnaa markoodii hore,  waxaa lama huraan ah in mar kasta loo gargaaro oo aan la iloobin lana ogaado waxay ka tageen dadkaas oo caruur leh iyo dad kale oo ay gacanta ku hayeen.

Maxaa La Gudboon Shacaka Soomaaliyyed

Waxaa muhiim ah in la abaabulo dadaallo ballaaran oo wacyigelineed oo lagu soo celinayo rajada dhalinyarada maadaama dadkii ugu badnaa ee qaraxa niyad-jabka ka qaaday ay ahaayeen iyaga, oo ah waxa ugu badan ee ay indhahayga aan si gaar ah ugu hayay ayaa ahaa xaaladda nafsiyan ay ku sugan yihiin dhalinyarada oo u muuqday kuwo aad u niyad jabsan.

Waxaa jiray xoogaa rajo ah oo dhalinyarada baryahaas soo galeysay oo ay islahaayeen malaha maanta ayaa rajo yeelateen ama idinku dhaw oo aad hesheen dawlad idinka warqabta mabda’eeduna yahay nabad iyo nolol. Waxaan hubaa in badan oo sidaa aaminsaneyd ayaa niyaddii ka dhaawacmay, waxay u baahan yihiin dib u kabasho iyo in idaacadaha muqdisho laga bilaabo wacyigelinno dib u kabasho ah oo ay soo diyaariyeen khubaro ku takhsustay arrintaa

Sidoo kale, Xukumadda federaalka Soomaaliya mas’uuliyadda saaran waa in muwaadinka uu walwalka dhanka amniga ah ay ka haqab tirto, waxaana looga fadhiyaa in shacabka loo sharaxo tallaabooyinka ka hortagga ah ee qaraxyada lagu abaarayo, si walwalka uga yaraado shacabka.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa waajibku yahay mucaarad iyo Muxaafadba sida loo wada yahay in si isku mid ah looga fikaro wixii dhib ku ah shacabka soomaaliyeed, laguna dadaalo sidii uu dalka horay ugu socon lahaa dadkiisana ay u helaan nabadda ay haystaan dalalka kale ee aduunka

Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah iney jiraan tallaabooyin farabadan oo muhiim ah oo loo baahan yahay in ay xukuumadda federaalka ay qaaddo, waxaa hadda loo baahan yahay waa waxqabad iyo in loo soo jeesto isla xisaabtan, waxaa halkan ina dhigay waa isla xisaabtan la’aan iyo mas’uuliyad ka carar.

Waxaa Qoray: C/risaaq Axmed Absuge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here