Dhacdadii 14kii Oktoobar Oo Laba Gu’Jirsatay!!!

Waligeed Dunidaan aan ku nool nahay dagaal waa ka dhici jiray, lamana arag xili kaliya oo uusan dabka dagaalada shidnayn ama Aloosnayn,waxaana la soo maray marxalado iyo dagaalo kala daran, sida dagaal waynihii 1aad iyo kii 2aad oo ay Bini’aanka ku hoobteen.

waxay Dunida soo martay dagaalkii Tataarka uu ku qaaday aadanaha kale gaar ahaan Muslimiintii dhaxashay hadyagii Nabigeena Csw, oo isagana ka tagay maharto ku tigraaran laabaha in badan oo insaanka ka mid ah, waxayna dagaaladaasi reebeen, xusuuso,Murugooyin iyo magacyo laga argagaxo oo maqalkeeda aan ku wanaagsanayn dhagaha dadka maanta nool in ay maqlaan sida dagaalkii koowaad, dagaalkii labaad ee aduunka iwm.

Saamaynta colaadahaasi ay reebeen waxaa ka mid ah, Nugliyeerkii lagu dhuftay dalka Jabaan, oo ilaa iyo hadda dadka reer Jabaan xusuustooda aan ka go’in, sameystayna maalin ay xusaan.

Sidoo kale 14/October sanadkii 2017, Soomaaliya waxay u noqotay maalin Murugo leh…..Maalin Mugdi ah….Maalin Madoow iyo maalin hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan 1000-Qofood….Waa Xusuus ma harto ah….. waana maalin guri kasta oo Soomaali ku nool yihiin dal iyo dibad ay hal mar wada tiiraanyoodeen indhahoodana ay ilmeeyeen, kadib markii gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey sun, kiimikooyin kala duwan iyo waxyaabaha qarxa oo aan la sheegi karin sida ay wax u galeen.

Gaarigii shartaas xambaarsanaa waxaa la dhex keenay dad Soomaaliyeed oo Abriyo ah waxna anan ka ogayn waxyeelada lala maagan yahay, waxaa si naxariis daro ah, Diin la’aan ah, Biniaadaminimo ka bax ah loogu qarxiyey faras magaalaha iyo halka halbowlaha u ah ama meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho ee loo yaqaan isgoyska Zoobe, qaraxaas oo galaaftay tirada aan kor ku soo sheegnay.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed ma noqon sida shacbaka Jabaan wayse ku dhadhawaadeen maadaama qaraxaas aan wax badan ka yarayn kii Nagasaki iyo  Hiroshima lagu garaacay

Runtii Waa xusuus ma harto ah waxaana aniga qof ahaan u aqaan dhacdadii maalintaas isgooyska zoope ka dhacaday xasuuqii Muqdishow”

Maxaa yeelay qaraxaasi ma ahayn midkii horay uga dhici jiray magaalooyinka dalka Soomaaliya, waayo? guri kasta oo ku yaala Magaalada Muqdisho 64% qof baa kaga dhintay ama qof baa kaga dhaawacmay

Waxaa intaas dheeraa in ilaa haatan la la’yahay dad aan tirsi lahayn oo raqdooda iyo ruuxdooda aan la hayn meel ay ku dambeeyeen.

waxaa haatan la is waydiiyaa Qaraxii 14-ka October/2017 Muxuu kaga duwan yahay qaraxyadii hore uga dhici jiray magaalada Muqdisho…?.

dadka badankiisa ayaa waxay isku qanciyaan hadal tiro iyo afkaaro aan lugo adag ku taagnayn oo is bihinbihayn ah oo aad moodo wax qaboojin kara quluubaha qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee wax yeeladu sida gaarka ah ay u soo gaartay Sida:

In qaraxaasi uu ahaa qaraxii ugu xooganaa ee ka dhaca Soomaaliya abid,

In Qaraxaasi saamayntiisa uu hareeyey guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed.

In Qaraxaasi uu mideeyey Qalbiyada Umadda Soomaaliyeed oo dhan.

In qaraxaasi aysan sheegan Argagaxida Alshabaab oo markiiba la soo boodi jiray in ay iyagu ka dambeeyaan sidii ay u sheegan jireen kuwii kaas ka horeeyey markii ay magaalada ka fuliyaan, ilaa iyo haddana way ka aamusan yihiin.

Madaxda Dawladda, Maamul goboleedyada Soomaaliya, Culumaa’udiin aan tiro lahayn, Ururada dhalinyarada, Aqoonyahanno, Indheergarad, haween, iyo Dawladaha turkiga iyo Jabuuti ayaa si isku mid ah dhamaantood ugu soo gurmaday dadkii ay waxyeelada ka soo gaaratay mashaqadii 14-ka October/2017 ka dhacday Isgooyskaas caanka ku noqday wixii ka dhacay, waxayna isu raaciyeen mar kaliya Dhiig shubid, hanti ururin, gargaar degdeg ah iyo daawooyin, iyadoo dhawacyadii halista ahaa loo qaaday iyada oo aan gacan bidxayn iyo nin tooxsi ka maran dalka dibadiisa si dhawaacyadooda wax looga qabto.

Xitaa Alshabaab dhexdooda Qaraxaasi awgiis waxaa ka dilaacay khilaaf aad u daran oo laba u kala qaybiyey wada jirkoodii, isla markaana abuuray in gudahooda ay birta iska aslaan kuna waayaan rag fara badan oo jabkooda soo dedejin kara.

Haddaba waxaa qasab noqotay in sidii dunida uga qaylisay Hubka atoomikada ee sida xun wax u gumaado oo kale ay soomaalidana uga qaylo dhaamiso oo ay meel kasta oo ay joogaan iska diidaan in ay raali ka noqdaan in qaraxaas oo kale uu mar dambe aan laga soo abaabulin laguna fulin dad soomaaliyeed, isla markaana ay dawladooda xalaasha ah ku gacan siiyaan soo qabashada kuwa waxaas oo kale farsameeynaya.

Waxaa hubanti ah in xasuuqa maalintaas dhacay ay soomaalidu ka qaateen dareen iyo feejignaan aad u xoog badan, waxaana dalka gudahiisa laga soo abaabulay lagana dhigay isu soo baxyo balaaran, meesha dalka dibadiisa Soomaalida ku dhaqan ay sameeyeen Wax loo yaqaan baroor diiq inkasta uu yahay falkaasi wax aan raad ku lahayn dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo diintooda xaniifka ah.

Waxaan marnaba aan iloobi karin qof ahaan in maalintii uu dhacay qaraxaas habeenkeedii ku xigaya iyada oo la muujinayo in masiibadaas xanuunkeeda uusan gaar ku ahayn Soomaalida oo kaliya, waxaana loo damiyey Nalalka Taalooyin caan ka ah dunida sida Taalada Paris, Buundada ugu dheer Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, Taaladda Caanka ah ee dalka Jarmalka iyo meelo kale, taasoo loo sameeyey dhibanayaashii Muqdisho.

Xasuuqii 14 Octoobar waxaa maanta laga jooga 2 sano oo gaw ah, mana harin sida aan filayo xanuunkii maalintaas la dareemay ilaa hadda oo aan joogno, waxaana qalbiyada dadka soomaaliyeed weli ku soo noqnoqonya dhawaaqa qaraxaas iyo sawirada dadkii garabraratada ahaa, agoontii iyo rajooyinkii ay ka tageen.

La soco qeybta Labaad ee Maqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here