Dhagar-qabayaal UGUS Ka tirsan oo lagu dilay Jalalaqsi

1440

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa ku soo waramaya in ciidamada Ammaanka Ee Degmadaasi ay toogasho ku dileen Saddex ka tirsan Dhagar qabayaasha UGUS kaddib markii ay isku dayeen weerar ay ku donayeen in ay ku qalqalgaliyaan Ammaanka Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamuud Fiidoow ayaa wariyaha Radio Muqdisho Ee Gobalka Hiiraan Cabdishakuur Cismaan Cali u sheegay  in Maleeshiyaad Hubeysan oo UGUS ka tirsan ay soo weerareen suuq ku yaalla dhinaca bari ee magaalada Jalalaqsi, halkaasna ciidamada Ammaanku ay ku toogteen saddex nin oo kooxda weerarka soo qaaday ka mid ahaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda xaaladdu deggantahay, ayna ku raadjoogaan halkii laga soo abaabulay isku daygaasi la rabay in ammaanka magaalada lagu qal qal galiyo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here