Dhagarqabe ka tirsanaa UGUS oo ku dhintay qarax uu isku xirayay

2265

Dhagar qabe katirsanaa Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab oo Doonayay inu isku qarxiyo bulshada dhaxdooda ayaa ku dhintay intii uu isku xirayay Qaraxa, waxayna dhacdadaasi ka dhacday Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaana halka loo yaqaan Masjidka Cali Geeddi.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somaaliyeed Sareeya Guuto C/raxmaan Maxamed Tuuryare Cumda oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan hay’adda ayaa kormeer ku tagay Halka uu ku qarxay dhagarqabaha katirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Somaaliyeed balse isaga naftiisa ku waayay.

Intaasi kadib ayaa Ciidamada Nisa waxay qabteen Xaaska dhagarqabihii geeriyooday iyo Gabar la dhalatay,nin Mooto Bajaaj ku qaadi rabay iyo Malkiilaha Guriga uu deganaa ninka dhintay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Saxaafada kula hadlay irida guriga uu deganaa dhagarqabaha Naftisa haligay ayaa waxa uu sheegay in Guriga ay lawareegtay Dowaldda Somaaliya gaar ahaan Hay’ada Nabadsugida iyo Siroonka islamarkaana baaris lagu sameynayo kuwa gacanta lagu hayo.

“sidaa ujeedaanba maanta Ciidamada Amniga waxay kahortageen islamarkaana ay kahortageen inuu dhaco dhib ay Kooxda Ugus la damacsanaayen bulshada maanto jimco ah oo dadka dhan sahqooyinka ka nasanayaan midkamid ah dhagarqabayaasha Ugus uu rabay  intuu umada dhaxtago inuu isku qarxiyo qaar kamid ah Ciidamada nisa oo rondo ugu socday meelaha ka baxsan magaalada nin dhalinyaro ah oo 17-jir ah oo la yiraahdo Mustfa Ibraahim Cali ayaa geed hoostiisa geedka loo yaqaana Cal garoobka rabay inuu iskulasoo xiro waxyaabaha qarxa suun ah oo dhaxda uu ku xiranaayay markii uu arkay askari katirsan nisa oo askarigiina uu weydiiyay meesha maxaa ugu jirtaa markiiba waxaa qarxay ninkii dhalinyarada ahaa ee la dhihi jiray Mustfa Ibraahim Cali afrax oo sidaa aragteenba ukala go’ay dhowr cad ciidanka markiiba baaris ayay sameeyen waxay qabteen ninkii mootada ku qaadi lahaa oo geyn lahaa meel ay dadka ku badan yihiin ” ayuu yiri Afhayeenka

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdioonka Qaranka iyo Ciidanka Boliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka Caasimada Muqdisho si ay u sugaan Amniga halka ciidama kalana ay ku roondeeyaan Xaafadaha iyagoo kahortgaya Qaraxyada iyo dilalka mararka qaar Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho.

 

 

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. Sida ay heeganka u yihiin geesiyaasha Nisa we Mgaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho oo har iyo habeenba nasasha la,aan ay dagaalka adag kula jiraan khawaarijta UGUS ,godkay galaanna intay ka daba tagaan godka ku gubaya, isla markaasna shacbiga si wanaagsan ula shaqeeeya si loo ciribtiro UGUS, waxaa loo baahan yahay inay ku daydaan Maamul Goboleedyada kale oo u hawl galaan sida ay mar qura xididada u siibi lahaayeen UGUS. Soomaaliya guul iyo midnimo.

  2. Asc soomaalida ayaa ku maahmaahdo god sireed ha qodin hadaa qodidna ha dheereyn, ku dhici doontid ma ogid. Marka waxaan oranlahaa , mahad oo dhan Allah ayey u sugnaatay , ba’a uu ummadda la rabay isaga um baa ku tahay , halla wacyi geliyo dhalinta soomaaliyeed aan waxgaradka aheyn , wa Billaahi Tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here