Dhageyo: Roob lagu diirasaday oo ka da’ay Gobolka Mudug

1777

Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool Gobolka mudug ee bartamaha Dalka ayaa  saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Roobkaan oo biyo dhigay waraha ay biyiu galaan ayaa shalay ilaa Xalay galin hore ka da’ay deegaanada Magaalada Gakacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug iyo deegaanada dhaca koonfur bari Gobolka Mudug halkaasoo ay ka jirtay abaar saamayn Xooggan ku yeelatay dadka reer miyiga ama xoola dhaqatada ah.

C/risaaq Maxamed Axmed Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Galkacyo ayaa soo sheegaya in roobkaa uu saacadihii laga soo gudbay ka da’ay  magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah Galkacyo.

Inta badan Gobolada Dalka ayaa waxaa ka jirta abaar xooggan taasoo gabi ahaanba saamaysay qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu darnaa deegaanada hoos yimaada Maamulada Galmudug iyo koonfur galbeed Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariye C/risaaq:

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here