Dhageyso: Howgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al shabaab oo laga sameeyay Baladweyn

0
676

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyn ee Xaruunta Gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanayaal lagu tuxmaayo in ay ka dambeeyeen dilkii Gudoomiyihii hore ee Demada Buule barde ee Gobolka Hiiraan hadana ka mid ahaa Culimadda Magaalada Baladweyn.

Taliye Isaaq Cali Cabdulle ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in hada ay gacanta ku hayaan ilaa Afar ruux oo loo haysto falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Baladweyn ee Xaruunta Gobolkaasi.

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolada Dalka iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa u taagan Xoojinta amniga Shacabka Soomaaliyeed iyagoo kaa shanaaya kuwa maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Taliyaha:

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here