Dhageyso: Maamulka degmada Buulo barde oo faah faahin ka bixiyay dad Cuduro ugu dhintay Degmadaasi

0
875

Guddoomiyaha Degmada Buulo barde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Karoore oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa  faah faahin ka bixiyay dad degmada ugu dhintay Cudurka Shuban biyoodka kaasoo ka dilaacay Degmada Buulo barde.

Cabdi Daahir Karoore Guddoomiyaha Degmada Buulo barde ayaa tilmaamay in Cudurka ay u dhinteen ilaa labo ruux oo ka mid ahaa dadka degmada kuwa kalena u liitaan Cudurka.

Guddoomiyaha Degmada Buulo barde Cabdi Daahir ayaa sheegay in Cudurkaani uu ka dhashay ka dib markii uu biyo yareeyay Webiga shabeele ee mara deegaano ka tirsan Gobolada Dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka G/ karoore

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here