Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Dhismaha Qaranka

2137

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan Dhismaha Qaranka Soomaaliya.

Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Umada Soomaaliyeed soo arkeen dhibaatada uu leeyahay qabiil iyo kala fagaanshaha bulshada hasa-yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay hada muhiim tahay ayna waajibna tahay in loo istaago sidii loo heli lahaa dhismaha Qaran midaysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in uu hormuud ka noqonayo una taagan yahay dhismaha Qaranimada Soomaaliyeed taasoo ah waajib saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Maxadweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ka sheegay xili shalay uu ka qeyb galay Tababar loo soo xirayay Cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya loona diyaariyay Dagaal ka dhan ah Maleeshiyaadka Nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab.

Dhismaha Qaranka Soomaaliya ayaa ah mid waajib ka saaran yahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed taasoo hada ay Madaxda Qaranku diyaar u yihiin heli taanka iyo abuurista hanaan Qaran oo wada deeqa Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka M/Farmaajo:

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here