Dhageyso: X/ Daahir Aaamiin Jeesow oo ku baaqay in taageero Dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka

0
1967

Daahir Aamiin jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Xubina ka ah Guddiga Amniga Baarlamaanka oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Daahir Aamiin jeesow  ayaa tilmaamay in Dal kasta uu dhisto Ciidankiisa taasina ay tahay in Ciidamadda Xoogga Dalka  Soomaaliyeed aysan dhisi karin Dowladdo iyo hay’addo shisheeye iyo hay’addo loogana baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed ka qeyb qadashada Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxaa uu tilmaamay in aysan macquul ahayn inaan gacmo shisheeye laga sugin dhismaha,qalabaynta iyo Xoojinta Ciidamadda Xoogga Dalka iasgoona ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb galaan dhismaha Ciidamada Xoogga si loo helo Qaran Xooggan oo difaacda dhamaan Xaduudihiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso X/jeesow

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here