Dhallinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka mid ah Tartan Norway ka socda ku soo baxay

Dhallinyaro dalka Norway uga qayb galay Tartan loogu Magacdaray koobka Dhallinyarada Adduunka iyaga oo ku soo baxay wareegga Rubac Dhammaadka Tartanka.

Tartankaan oo ka socda dalka Norway ayaa waxaa marti galinaya dowladda dalkaas iyad oo si weyn ah loo soo dhaweeyay Dhallinyaradii Soomaalida ahayd ee tartanka qayb ka mid ah ku soo baxay.

Qaar ka mid ah Dhallinyarada oo ka hadlay Dareenkooda ayaa sheegay inay Aad Ugu faraxsan yihiin in iyaga oo matalaya Qaranka Soomaaliyeed ay ku soo Baxaan Wareegga Rumac Dhammaadka Tartanka.

Dhallinyarada ayaa Ciyaartii ugu Dambeeyay la ciyaaray xulka Kubadda cagta Barazil,  iyaga oo hadda isku diyarinaya qaybta kale ee ciyaarta waxa ayna Rajeeyeen inay Guushu Raaci Doonto isla markaana koobka Dhallinyarada Adduunka Ay iyagu Qaadi doonaan.