Qormo: Dhaqanka Siyaasiga iyo Qidooyinka uu Adeegsado

Inta badan dunida oo dhan dadka ku jira Siyaasadda qaarkood waa kuwo arxan daran, oo dantooda ahmiyadda koowaad siiya, waxaana jirta in daraasad ay culimada cilmiga bulshada ka sameeyeen qidooyinka Siyaasiga iyo noocyada kale duwan ee dadweynaha loo kiciyo, ama loo abaabulo, si loogu gaaro dano siyaasadeed lagu ogaaday in ay isticmaalaan qidooyinka:

Inaga iyo Iyaga.

Siyaasiyiintu waxa ay abuuraan sohdin dadweynaha u kala qeybineysa ‘Inaga iyo Iyaga’; Inaga oo reer Qansax ah iyo iyaga oo reer Qurac ah; Inaga oo ah dadka deegaanka iyo iyaga oo ah dad meelo kale ka yimid; Inaga oo ah dimuqraadiyiin iyo iyaga oo ah kali talis, inaga oo ah kuwa canshuurta bixiya iyo iyaga oo ah kuwo aan canshuur dhiibin, inaga oo ah Qorax-joog iyo Iyaga oo ah Qurbe-joog.

Abuuridda Muuhaal Cadow

In siyaasigu dadweynaha u abuuro muuhaal cadow, taas oo ah in qofka siyaasad ahan markaa ka soo horjeedo uu dadkweynaha u tusiyo mid qatar ku ah jiritaankooda, hantidooda, ama habka noloshooda, iyo in kuwa kale ee naga soo horjeedo ay qaateen shaqooyinkeenii- intaas oo reer Qurac ah ayaa laga qaaday xilalkii ay hayeen oo intaas oo reer Qansax ah ayaa xil loo magacaabay.  Haddii ay siyaasadda ku heshiiyaan, target-kii hore ma sii ahaanayo qatar ama cadowga danta Ummadda, ama waxyaabihii muuhaalka cadowga ahaa ee horey loo muujin jiray, ee waxa uu noqonayaa qeyb naga mid ah.

HANTIDIINA AYAA LA QAADANAYAA/ CIIRTIINII AYAA LA CABAY. Tusaale: Canshuurta.

Waxaad arkeysaa Siyaasi leh dadka Gobolka Banadir kaliya ayaa canshuurta laga qaadaa, isaga oo markaa dadka u abaabulaya hab qabiil, una tusaya in uu yahay qofkii mustaqbalka dantooda si gaar ah uga shaqeyn lahaa; isweydii haddii uu guuleysto, ma canshuurta ayuu joojin doonaa, MAYA. Waxaa kale oo uu markaa inkirsan yahay in waxa la canshuuro aanay aheyn dadka ashqaasta ah ee ku nool Gobolka Banadir, ee Dowladdu ay canshuurto maciishada ka soo degta Dekedda Muqdisho, alaabtaasoo u soo degta Soomaalida ku nool Gobolada Koofureed oo dhan, ilaa Bay, Bakool, Gedo, Jubada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, canshuurtuna ay raacdo qiimaha maciishada ama sheyga loo qaaday Gobolka, oo ay saarantahay kartoonka Bakool ama Hiiraan loo qaaday, sidaasina dadka Bakool ku nool ama Hiiraan ku nool ay yihiin kuwo Canshuurta la sheegayo bixiya. Weliba iyaga oo ay u sii dheertahay Canshuuraha lagu qaado dariiqyada, oo ay maamul goboleed ama Shabaab ku canshuuraan dariiqa.

Waxaa uu dadweynaha ka qariyay in Miisaaniyadda Dowladda 40 boqolkiiba ay dowladdu ka hesho gudaha, 60 boqolkiibana ay tahay kab laga helo dibadda ama Bulshada Caalamka; Waxaa uu dadweynaha ka qariyay in Mashaariic qiimo ahan sanadkii la’eg 60 boqolkiiba Miisaaniyadda Dowladda oo ay dunidu maalgeliso ay Dowladda Dhexe ka hirgeliso Gobolka Banaadir; Waxaa uu dadweynaha ka qariyay in dayactirka iyo dib-u-dhiska Xafiisyada Wasaaradaha, Wakaaladaha, Jaamacadda Ummadda, Jidadka, Madaarka ay dhammaan Dowladdu ka fulisay Gobolka Banaadir ayna tahay sharaf iyo mudnaan gaar ah oo ay heleen muwaadiniinta ku nool Gobolka Banadir.  Waxaa uu daweynaha ka qariyay in 90 boqolkiiba Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda ee hadda Qaranka u shaqeeya laga qoray Gobolka Banadir; Waxa uu dadweynaha ka qariyay in Shaqaale Dowladeed oo Wakaalad ama Wasaarad Xafiis ku leh Hiiraan ama Bakool aanay hadda jirinin.

DAMQINTA BOOGIHII DAGAALKA SOKEEYE

Siyaasiintu si ay dan shaqsi ah u gaaraan waxa ay kiciyaan dareenka dadka, iyaga oo soo xusuusinaya Ummadda dhacdooyin hore oo murago iyo naxdin leh, isla markaana xiriir u sameynaya in haddii aysan hadda tallaabo qaadin ay soo socoto musiibo weyn oo la mid ah tii waagii hore, iyagoo xiriirin qabyaaladeysanna u sameynaya.

Dadka Siyaasadda ku jira waa u caado in ay ku awr kacsadaan wax Alaale wixii ay u arkaan in ay dadka shucuurkiisa ku bedeli karaan, ku abaabuli karaan si loogu gaaro dano siyaasadeed. Madaxweyne Trump ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida ula kaca ah u isticmaalay qidooyinka siloon sida in uu dadka caddaanka ah ama cunsuriga ah calanka u lulay oo yiri Muslimiinta ayaan ka mamnuucayaa in ay soo galaan America haddii aad idoorataan, isla markaana erayo xun xun u isticmaalay dadka soogalootiga ah iyo dadka laga tiro badan yahay, waxaana la sheegaa in uu shacbiyad ku helay xumaan sheegistaas. Waxad arki kartaa Xildhibaan ama Siyaasi Soomaaliyeed oo durbaan qabiil garaacaya, kuna helay shacbiyad weyn.

Taasi waxa ay keentay in maanta Soomaaliya si aan xishood iyo wadaniyad laheyn qabiil loo xuubsiibtay, iyadoo aan dan laga laheyn Amniga iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda, oo kaliya uu Siyaasigu ka eegayo dano guracan oo muddo gaaban ah, in uu si qabyaalad ku dhisan, dadka u abaabulo.

Haddaba, Soomaali ha ogaato in marxaladda ay maanta joogto, oo ah mid ay ka soo kabaneyso dagaal sokeeye, Hay’adaheeda Amniga, Caddaaladda ay tabardaran yihiin, heerka tacliinta dadkeeduna hooseeyo,  habdhiska qowmiyaddeena uu qabiil iyo qabyaalad ku dhisan yahay. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in ay qatar weyn tahay in Soomaaliya sidaas wax loo abaabulo, waxaana laga yaabaa in dhibaato weyn oo nabadgelyada dalkeena galaafata ay ka dhalato, sidaa awgeed, Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa in ay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan iyo cawaaqibka ka dhalan kara, iyagoo u tura danaha shacabka ay siyaasadda ku matalaan, ayna aragtigooda ku cabiraan dhismaha dowladnimada oo ay ka fogaan waxkasta oo dalka u horseedi kara bur bur.

W/D: Diblomaasi Sare, Farhan Gurhan

[email protected]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here