Dib-u-dhis lagu bilaabay Xarumaha Dowladda ee Dhuusamareeb kuyaal “Dhageyso”

411

Ololaha ah Mashruuca isku tashi ayaa laga billaabay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug kaas oo lagu dhisayo Xarumaha Dowladda, Isbitaallada iyo Goobaha Waxbarashadda kuwaas oo Bulshadda muhiim u ah.

Waxaa Ololahan ka qeyb qaadanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah iyo sidoo kale Ardayda wax kabarata Iskuulada Hoose, Dhexe iyo Sare.

Qaar kamid ah Ardayda ka qeyb qaatay Ololaha Isku-tashi ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed in ay igu danahooda ka shaqeeyaan.

Gudoomiyaha Magaaladda Dhuusemareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle ayaa waxaa ku bugaadiyey dadka howshan gacanta ku haya qaabka ay shaqadda u qabanayaan, waxaana uu dadka kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan Ololaha Isku-tashi kaas oo lagu dhisayo xarumo muhiim ah dadka Deegaanka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay isku soo baxaan Ardayda Iskuulka Ablaal kuwaas oo Shaqadda Maanta wadda waxan leenahay haku daydaan Ardayda iyo Iskuulaadka kale ee Magaalada kuyaala” Sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Gudigga looxilsaaray Howsha dib-u-dhiska Goobaha muhiimka ah Xasan Cali Cumar ayaa sheegay in qarashaadka howsha hadda lagu wado kasoo gaartay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

“Caasimadda dadka jooga ee reer Galmudug aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaa maxaa yeelay waxaa ay bixiyeen Lacagaha aan hadda howsha ku wadno, waxay nagu bilaabeen lacagtii ugu horeysay oo Degmadu u tirtay Shan Xaafadood”

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhawaan waxaa ay sheegeen in dub-u-dhis lagu sameynayo Xarumaha burbursan ee Dowladda kuwaas oo Galmudug kuyaala.

Halkan ka dhageyso Warbixinta Wariye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed Dhuusamareeb kasoo diray

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here