Dib u habeyn lagu sameeyay xarunta xannaanada agoonta Rajo “Dhageyso+Sawirro”

Maamulka xarunta xannaanada agoonta wiilasha ee Rajo ayaa faah faahin ka bixiyay dib u habeeyn lagu sameeyay xaruntaasi.

Marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo ah maamulaha xarunta xannaanada agoonta gabdhaha Boondheere iyo tan wiilasha Rajo oo ku taalla xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa ka hadashay xaaladda caruurta agoonta ah ee ku jirta labadaasi xarumood iyo dib habeeyn ay ku sameeysay xarunta xannaanada agoonta wiilasha ee Rajo.

Maamulaha labadaasi xarumood marwo Nuurto Maxamed Caddoow ayaa sheegtay in xarunta xannaanada agoonta wiilasha Rajo la furay Augst, 2013-ki, waxeyna xustay iney aheyd dugsi hoose dhexe oo ay si lacag la’aan ama bilaash ku dhigtaan caruurta agoonta ah.

Marwo Nuurto ayaa tilmaantay iney dib u habeeyn  ku sameeysay xarunta islamarkaana ay ku soo kordhiyay adeegyo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin jiif, cunto, waxbarasho kaladuwan iyo howlo la xiriira daryeelka iyo tarbiyada caruurta agoonta ah ee ku xareysan xaruntaasi.

“Xarunta waxey la mataanoowday maamulka xarunta xannaanada agoonta gabdhaha ee Boondheere hal maamul ayeeyna leeyihiin labadaasi xarumood, dib u habeyn ayaana ku sameeynay xarunta agoonta xannaanada agoonta Rajo, anagoo ku soo kordhinay Jiif, cunto, iyo adeegyo kale oo daryeelka iyo tarbiyada la xiriira” ayeey tiri Marwo Nuurto Maxamed Caddoow maamulaha labada xarumood ee agoonta.

Marwo Nuurto ayaa hoosta ka xariiqday qiimaha ay aduun iyo aakhiraba leedahay daryeelka iyo waxbaridda caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah, iyadoo ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed iney xil iska saaraan daryeelka aqoonta Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga maamulaha xarunta xanaanada agoonta Rajo Nuurto Maxamed Caddoow

DSC01999 DSC01999 DSC02000 DSC02002 DSC02003 DSC02004 DSC02005 DSC02006 DSC02007 DSC02008 DSC02009 DSC02010 DSC02011 DSC02013 DSC02014 DSC02015 DSC02016 DSC02017 DSC02018 DSC02019 DSC02020 DSC02021 DSC02022 DSC02024 DSC02025 DSC02026 DSC02027 DSC02029 DSC02030 DSC02031 DSC02032 DSC02033 DSC02034 DSC02035 DSC02036 DSC02037 DSC02038 DSC02039 DSC02041 DSC02044 DSC02045 DSC02046 DSC02048 DSC02049 DSC02050 DSC02052 DSC02053 DSC02054 DSC02055 DSC02056 DSC02057 DSC02058 DSC02059 DSC02060 DSC02061 DSC02062 DSC02063 DSC02064 DSC02065 DSC02066 DSC02067 DSC02068 DSC02069 DSC02070 DSC02071 DSC02072 DSC02073 DSC02074 DSC02075 DSC02076 DSC02077 DSC02078 DSC02079 DSC02080 DSC02081 DSC02082 DSC02083 DSC02084 DSC02085 DSC02086 DSC02093 DSC02094 DSC02097 DSC02098 DSC02099 DSC02100 DSC02101 DSC02102 DSC02103 DSC02104 DSC02105

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here