Dibaxbaxyo Lagu Dalbanayo in Albaabada Loo Furo Qaxtootiga Ku Qulqulaya Yurub oo Ka Dhacay Jarmalka.

Qiyaastii dad ku dhow 4,000 oo qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa banaanbax ka dhigay afaafka hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ee caasimadda Jarmalka ee Berlin, iyaga oo codsaday in albaabada loo furo magangalyo doonka ku xaniban xuduudka dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Bannaanbaxayaasha ayaa socod dheer kusoo maray qaar kamid ah waddooyinka magaalada iyagoo ujeedkoodu ahaa inay ka jawaabaan codsiga dadka qaxootiga ah ee ku xaniban xuduudka Giriiga iyo Turkiga kuwaas oo dhibaato adag ay ku haysato deegaanada xadka ah oo baraf iyo dayalo xoogan ka jiraan.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid yihiin “Europe albaabada ha u furto qaxootiga” , waxay sidoo kale ka codsadeen Dawladda Jarmalka inay magangelyo siiso qaxootiga si ay ugu noolaadaan dalkaasi Jarmalka.

Waxay tilmaameen in magangalyo doonka ku sugan xuduudaha Turkiga iyo Giriiga loola dhaqmay si ka baxsan bini aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha iyadoo loo gaystay jir dil xad dhaaf ah iyo garaacid aan loo aaba yeelin oo si bareer ah loogu gaystay dadka qaxootiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here