Diyaar garowga shirka Mudug iyo Galgaduud oo Cadaado ka socota

0
1903

Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ku aadan shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud kaas oo maalinta Arbacada ka furmi doona magaaladaasi.

Wariye Bashiir Khaliif Gaani oo kamid ah wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in magaalada ay ku soo qulquleyaan ergada ka qeybgalaysa shirkaasi kuwaas oo ka kala imaanaya deegaanada labada gobol iyadoo inta badan ergada ay ka imaanayaan magaalada Dhuusamareeb oo mudooyinkii dambe uu shir dib u heshiisiin ah ugu socday Beelaha wada degan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale Wariye Gaani ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay imaanayaan dhamaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka ugu sareeya maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo sugidda Amniga ay si wadajir ah isugu kaashanayaan Ciidanka dowladda Soomaalaiya iyo kuwa AMISOM.

Maamulka iyo dadweynaha ku nool magaalada Cadaado ayaa sidoo  kale waxaa ay ku howlan yihiin soo celinta iyo hagaajinta bilicda magaalada, waxaana si aad ah loo naleeyay wadooyinka waa weyn ee dhex mara magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah daah ugu rogi doona shirkaasi maalinta Arbacada ah ee soo socota sida uu qorshuhu yahay, waxaana magaalada hadda jooga wasiiro ka tirsasn Xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here