Diyaarad siday daawo oo ku dul dhacday meel waxyar u jirta garoonka diyaaradaha Bardaale

Diyaarad ay leedahay African Airways oo ah Nooca 30 qof qaada, kana kacday Muqdisho, ku hakatay Baydhabo ayaa ku burburtay Bardaale.

Wararka aynu ka heleyno Maamulka Shirkadda ayaa sheegaya in diyaaraddu ay siday cargo ayna waday 6 qof oo 2 ka mid ah ay Soomaali yihiin.

Diyaaradda ayaa ku dul dhacday meel waxyar u jirta garoonka diyaaradaha Bardaale, waxaana ay sidda shixnad daawo ah oo loogu talagalay ka hortagga COVID-19.

Ma cadda sababta keentay Burburka Diyaaradda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here