Diyaaradda wadday Qamri oo gacanta lagu dhigay

3417

Ciidammada Ammaanka dowladda Federaalka iyo Waaxda Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa gacanta ku dhigay diyaarad sidday waxyaabaha Maanka-dooriya oo ka soo degtay garoonka diyaaraha Muqdisho.

Diyaaradda gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 25,416 dhallo oo Qamri ah, kuwaas oo la doonayey in loo gudbiyo gudaha magaalada Muqdisho oo ay dowladda Soomaaliya ka mamnuucdey in la keeno dalka waxyaabahaasi maanka-dooriya.
Halka lagu soo bandhigayey marka la qabtay diyaaradda Qamriga keentay waxaa tagay wasiiru dowleyaasha ka ah, Maaliyadda, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Amniga Gudaha C/kariim Sheekh Cumar.

Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha iyo Dhaqaalaha ee Booliska Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Kartoono lagu soo sajilay dhallooyin Qamri ah oo la doonayey in si ganacsi ah loogu gudbiyo magaalada Muqdisho, hasa yeeshee ay u suurashay in ay gacanta ku dhigaan alaabtaan, waxa uu intaa raaciyey in Garoonka diyaaraha howlaha ka socda gaar ahaan alaabaha laga soo dejiyo ay si aad ah u koontaroollaan, arrintanna ay baaritaanno dheeri ah ku hayaan hadda.

Wasiiru dowleyaasha ka ah, Maaliyadda, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Amniga Gudaha C/kariim Sheekh Cumar. ayaa uga mahadceliyey ciidammada ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle howsha ay qabteen iyo sida ay ugu guuleysteen in ay qabtaan waxyaabaha Maanka-dooriyaha.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. marka hore waxaa mahad leh illaahey naga dhigay muslimiin nagana xarimay waxkastoo aadanaha wax u dhimaayo.
    marka labaad waxaan halkaan salaan sharaf leh uga dirayaa dowladeena curdinka ah ee ku guuleysatay ineey wadankeena ka mamnuucdo in la keeno waxyaabaha maanka dooriyo aad iyo aad ayaan uga mahad celinaynaa dowlada waxaana ugu duceynaynaa in illaaheey usiyaadiyo ciso iyo awood ay ku hanato xifdinta iyo karaamada wadanka.
    waxaan kaloo halkaan salaan iyo bogaadin qiimo leh uga dirayaa ciidamada ilaalada madaarka ee ku guuleystay qabashada qamrigaan waxaad muujiseen wadaninimo daacadnimo iyo geesinimo.
    waxaan shaki ku jirin in dadki maandooriyahaan watay ay isku dayeen ineey ciidamadaan laaluush siiyaan markii arrintooda la kashifay laakiin ciidankeena ilaalada sharafta lihi waxeey muujiyeen amaano iyo ineey yihiin xuduudi wadanka laga soo galaayay waxeeyna amaanadaas u guteen sidii ugu fiicneed.
    dowladeena waxaan ka codsanayaa ineey si qiimo leh u abaalmariso ciidamadaas waayo iyagana waxeey usiyaadineysaa ineey wadankooda wax qabadkiisa sii siyaadiyaan dhalinyaradeenana waxeey u noqonaysaa dhiirigelin markey arkaan sida dowladu u qadarineyso cidii wadanka wax u qabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here