Diyaarado gaargaar sido oo ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Diyaarado gargaar u sido dadka ay saameeyeen  fatahaada Webiga Shabeelle  ee Magaalada baladweyne ayaa lagu wadaa in ay ka ambabaxaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa ku howlanaa Mudooyinkan sidii  gaar dhameystiran loo gaarsiin lahaa Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Roobabka.

Shalay ayey ahayd Markii Diyaarado sido gurmad isugu jiro daawooyin iyo Raashin la gaarsiiyey Magaalada Bardaale , sidoo kale Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiraan ayaa horay loo gaarsiiyey Gargaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here