Diyaargarowga ciida iyo Agabka ilmuhu ku ciyaraan oo markii ugu hireysay laga hirgaliyay magaalada Cadaado.

Udiyaar garowga maalmaha ciida ayaa si aad ah looga daremayaa magaalada cadaado iyadoo sanadkan ey uga duwan tahay sanadihii hore dhan walba , Magaalada waxaa markii ugu horeysay laga hir galiyay agabka ilmuhu ku cayaraan oo noocyo kala duwan isugu jira goobo ay waqti ku qaataan dadka iyo sido kale qoysaska wada socda.

Diiriye Hall oo ah xarun ganacsi oo ka kooban maqaaxi iyo hoolka shirarka iyo aroosyada ayaa sanadkan markii ugu horeysay suura galiyay in ilmuhu helaan meelo ey ku qaatan farxada maalmahooda ciida.

Xaruntan ayaa lagu diyaariyay dhaman agabka ilmahu kucayaaran oo ah kuwa aan ilmaha waxba garsineyn sida wiifowyada, baraagaha biyaha iyo qalab kale oo ilmuhu waqtigooda ciida kuqataan.

Salaad axmed diiriye waa maamulaha Diiriye Hall ayaa sheegay in xaruntaan ay ugu talageen in bulshada reer Cadaado ay waqti farxadleh ku qaataan magaaladooda.

Waa markii ugu horeysay ee Magaalada laga hirgaliyo agabkan ilmu kucayaraan waxaan ka faa’ideysan doona maalmaha ciida dadka ku dhaqan magaalada Cadaado iyo deegaanada ku xeeran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here