Kulanka Baarlamaanka Oo Soo Gaba gabaowday Iyadoo dooda aysan dhamaan

0
802

Dooda Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa oo soo gaaray Guddoonka Baarlamaanka 16-ka bishii November ee aynu ka soo gudubnay waxa ay si rasmi ah u bilaabatay¬† barqanimadii maanta waxaana furitaankii kulanka uu Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u sharaxay Xildhibaannada Golaha Shacabka habraaca lagu hagayo doodaha mooshinka kalsooni kala noqoshada Ra’isulwasaaraha.

Xildhibaan Axmed Mayoow (Cornel Ruush) oo ka mid ah Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan oo magacyada Xildhibaannada ku saxiixan mooshinkan u akhriyey Xildhibaannada ayaa sharaxay waxyaabaha ay u cuskadeen mooshinkan ay ku dalbanayaan in codka kalsoonida lagala laabto Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayadoo Xildhibaanadanna ay qodobada mooshinkooda ku muujiyeen wada shaqeyn la’aanta laamaha Madaxtooyada iyo Fulinta.

Tirada Xildhibaannada isku qortay iney dooda mooshinkan ka qeyb qaataan oo badneyd aawgeed waxa uu Guddoonka Baarlamaanka u soo jeediyey Xildhibaannada iney goostaan waqtiga uu xildhibaanku ra’yigiisa ku dhiiban karo taasi oo lagu go’aamiyey Afar daqiiqo waxaana aragtida Xildhibaannadu biya dhacoodu ahaa laba dhinac oo aheyd in Xukuumadda kalsoonida lagala laabto iyo inaanay habooneyn mooshinkan xiligan waloow ay jireen Mudaneyaal iyaguna si dhex dhexaad ah aragtidooda u soo bandhigay.

Inkastoo kulanka Baarlamaanka maanta uu ahaa kulankii ugu shaqada adkaa ee ay Xidlhibaannadu si xiriir ah u shaqeeyaan saacado badan oo kulankana uu soo gaaray salaadii maqrib ayaa hadana howsha la xiriirta mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isul wasaaraha iyo xukuumadiisa weli waxa ay tahay faanoole fari kama qodna waayo waxaa harsan Xildhibaanno badan oo doonaya iney aragtidooda dhiibtaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here