Dowlad Itoobiya oo shaqaale caafimaad u dirtay goobaha dagalada ka socdaan

Shaqaale caafimaad ayaa maanta loo diray saldhigyada ciidamada itoobiya ku leeyihiin waqooyiga dalkaas halkaas oo dagaal uu ka socda.

Shaqaalahan caafimaaad oo isugu jira dhaqaatiir iyo Kalkaaliye yaal ayaa waxaa soo abaabulay oo diray maamulka magaalada Adisabab ee xarunta itoobiya

Xubnaha oo ka kooban 48 qof ayaa saakay loo qabtay munaasabad lagu sagootinyay taas oo uu soo qabanqaabiyay ku xigeenka duqa Adisababa Adanech Abiebie.

Shaqaalahan caafimaad ayaa la sheegay in ay gacan ka geysan doonaan daaweynta ciidanka iyo dadka rayidka ah ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka maalinkii 13-Aad ka soconaya waqooyiga itoobiya kaas oo u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka dowlada itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here