Dowlada Jibuuti oo xiriirki u jartay Iiraan, yo Joordan oo u yeeratay Safiikii u joogay Tehran.

891

Dowladda Urdun ayaa u yeeratay Safiirkeedi u fadhiya Dalka Iiraan kadib rabshadii lagu gubay safaaradda sacuudiga ee dalka Iiraan, iyo fara gelinta dowladda iiraan ay ku heyso dowladaha carabta,

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibuuti ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Royter  in dowlaadda Jibuuti ay u jartay xiriirikii diblomaasi Dowladda Iiraan iyada oo taageero walaalnimo u muujineysa Dowladda Sacuudiga oo safaaraddi ay ku laheyd dalka iiraan la gubay,

Dalalka baxreyn iyo Suudaan ayaa hore ugu jaray xiriirika dowaldda iiraan halka dowladaha imaaraadka iyo Kuweyd ay u yeerteen diblomaasiyiinti u joogay dalka iiraan.

Iiraan ayaa sheegtay in diblomaasiyiintii ka joogay dalka sacuudiga oo gaaraya 54 iyo carruurtoodi ay soo gaareen dalka iiraan kadib markii dowladda sacuudiga ku amartay in ay dalkooda ka baxaayn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Ayaa si adag u canbaareysay Weerarkii lagu qaday Safaarada Dowlaldda Sacuudiga ee dalka iiraan iyo qunsuliyadda ku taala magaalada Mashhad

Dowlada iiraan ayaa waday waayahaan fara gelin qaawan oo ay ku hayso dowladaha carabta gaar ahaan dalka sacuudiga oo aan saaxibada iyo walaalaha nahay.. Waxaana la filayaa maaliniamda Axadda  in ururka  jaamacada carabtau uu ka yeesho xaaldaas shir gaar ah, Waxaana la filayaa in dalal cusub ay xiriirka u jari doonaan Dowladda iiraan.

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Dowladdaha Islaamka dhexdooda iney dagalaaman ma wanaagsana.
    Diin ahaana ma banana, in shacabk muslim ah ay dhexdooda dagaalaan…, laakiin Dhibaatadda ka socota dowladdoo badan oo carab ah, inkastoo ay inta og tahay yar tahay, inta ogna ay la yihin ama weli helin wadadii XAlka loo mari laha..
    Dagaladda sokeeye ee ka qarxey wadamo badan oo Carab ah waxaa ka dambeeyo waa koox la yiraahdo Zionist ama yahuuda lacagta leh ee mareykanka oo ah oo qorshahooda yahay iney dunidda musuq masuq & Nabadgelyo la’aan bani ka abuuraan, dowladdo badan oo Quwad lahaana la bur buriyo ama laga dhigo kuwo yar yar oo aan wax awoodi ah lahayn. taasina waxa u sameynayaan waa Bad baadinta Dalka aadka u yar ee yahuudda leedahay ee la yiraahdo Israel, taasi oo inta badan looga cabsi qabi jirey iney dowladdo badan oo islaami ah weeraran, madam ay dhulka barakeysan ee falasteen ay YAHUUDI xaq darro & Dulmi ku heystao.
    Zionist Waa urur aysan dadka inta badan aqoonin, si fiicana u soo shaac baxsaneyn HAGAR DAAMOOYINKA uu kawado wadamadda Islaamka ah, balse ku dadaalaya, is hagar la’aani ahna uga shaqeeynaayo in dhibaato, colaad, barakac, xasilooni darr & Dagaalo ahli ah oo ay dhiig badan ku daanto ka abuuraan Dalalka Muslimka ah.

    Arinta u dhaxeysa Dalka Sacuudiga & iiraan, waa qeyb ka mid ah dhibaatadadaasi, waana arin culus runtii haddii ay sidaan ku sii socoto. Arintaani waxay soo de dejisay in dowladdo badan oo Muslim ah ay sii kala Durkaan, isla mar ahaanta uu dhex maro isfahm waayo sababo in dagaalo ay dhacaan. kuwa coladaha ka socadana ay noqdaan kuwa ay ku adkaato iney ka soo kabsadaan dhibaatadda, maadama ciyaarta ay reer galbeedka la ciyaarayaan noqotey Waxa loo yaqaano Dagalka qabow…

    Soomaliya kaalinteeda ku aadan arintaaani, waxaan filayaa iney tahay mid dhex dhexaadnimo..dhinaca ay ka mareysana ay noqoto , dhinaca ay Dowladda turkiga ka istaagteyna ka istaagtay Dalka turkeyga.

    Dowladda Turkeyga waxa ay mashquul ku tahay waa daminta Colaadaha iyo caawinta qaxootiga ka soo barakaco wadamadda ay dagalada ka jiraan sida Syria & ciraaq,iyadoo markaasi Siiineysa daawo,waxbarsho & guryo ay ku sii noolaadan inta ay wax iska bedeleyaan.

    Soomaliya waxa tusaale uGu filan dalka Turkeyga. Hadidi ay wadadaasi qaado waxan filaya in wax badan ay shacabka soomaaliyeed u qaban karaan shacabka dowladaha ay ku habsatey musiibadda & dagaaladda sokeeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here