Dowlada Talyaaniga oo agab iyo daawo u soo dirtay dadkii ay saameesay duufaantii GATI “SAWIRRO”

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GATI ayaa maanta gaartay magaalada Boosaaso .

Deeqdan oo ka timi dowlada Talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul oo weyn.

Shixnadaan ayaa ka kooban, agabka wax lagu cuno, daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad) ayaa sheegay in ay dowlada Talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada ay soo gaarsiisay .

Wasiirku wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here