Dowladda Afghanistan iyo Taalibaan oo dib u bilaabaya wada hadaladii magaalada Doha

Wafdi ka socda dowladda Afghanistan iyo ururka taalibaan ayaa si wadajir ah u soo saaray qoraal ay ku sheegeen in ay dib u bilaabayaan wada hadaladii nabadeed.

Dhex dhexaadiyayaasha ka socda labada dhinaca ayaa waxaa ilaa maalintii sabtida ahayd ay ku sugnaayeen magaalada doha waxaana ay balan qaadeen in ay sii wada doonaan wada hadalada si loo soo afjaro colaada Afghanistan ka jirtay mudada dheer.

Mucaaradka iyo dowladda ayaa waxaa muddo bilooyin ah uu wada hadal ugu socday wadanka Qatar balse ma jirin horumar la taaban karo oo ay gaareen iyadoo xaalada ay sii xumeysay weerarada taalibaan ay ku fuliyeen dalkaasi.

Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaranka ee Afghanistan  ayaa soo gaaray magaalada Doha ee caasimada Qatar xilli Mareykanka ay gebi ahaanba ciidamadooda kala baxayaan wadankaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Qatar oo marti gelisay shirka labada dhinac ayaa sheegay in wafdiga ka socda dowladda iyo mucaaradka ay isku raaceen in ay sii wadi doonaa wada hadalada si loo yareeyo halis ka taagan Afghanistan.

Kumanaan ruux oo shacab ah ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka qaxay Afghanistan oo gaaray qaar ka mid ah dalalka deriska ah iyagoo ka soo cararay deegaano ay la wareegeen taalibaan.

Qaramada midoobay ayaa si weyn u digtay xaalada wadanka Afghanistan oo colaado iyo dagaalo ay ka socdeen muddo 20 sanno ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here