Dowladda Federaalka oo shaacisey in waqtiga shaqada ee Ramadaanka uu yahay 9am to 3pm

3947

Muqdisho 26 May 2017 – Wasiirka Wasaarada Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Bisha Barakeysan ee Ramadaanka in shaqaalaha Dowladda waqtigooda shaqo loo bedelay 9ka subixii ilaa iyo 3da galabnimo.

Dowlada Federaalka iyadoo tixgelineysa muhiimada bisha barakeysan ee Ramadaanka oo ah bil cibaado isla markaasna ahmiyad gaar ah la siinayo wadajirka qoyska ee xilliga afurka iyo suxuurta ayey Dowladdu u garatay in waqtiga shaqo wax laga bedelo mudada bisha Ramadaanka.

DHAMMAAD

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here