Dowladda Federaalka oo soo dhaweeysay guulaha ay ciidamadu ka gaareen howlgallada ka dhanka ah UGUS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay howlgallada ciidamada xoogga dalka ka wadaan gobollada dalka iyo qabsashada magaalada Baardheere.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”  ayaa ciidamada ugu tahniyadeeyay howlagllada ay kula wareegeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo deegaanno kale, isagoo xusay in la sii dardargelindoono howlgallada dalka looga xoreeynayo maleeshiyaadka Shabaab.

“inaan tahniyad u diro ciidamada qalabka sida iyo kuwa walaalaha AMISOM howlgallada ay beryahaan wadaan oo ay ku sifeeynayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ururka xag jirka ah ee UGUS oo hadda wararka aa heleyno ay sheegayaan in la qabtay magaalada Baardheere oo aheyd Bass weyn oo Alqaaciddadu ay dadka shacabka ah ay dhibaato weyn ku heysatay, dabcan dalkana waa laga sifeyayaa UGUS iyo wixii la mid ah” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dhaqanka, dhaqanka iyo dalxiiska  mudane Mareeye.

Ciidanka XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa todobaadkan maleeshiyaadka Shabaab kala wareegay deegaanno ka mid ah gobollada Baay iyo bakool. Taasoo qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu dalka uga xireeyneyso kooxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here