Dowladda Masar oo sheegtay in ay Dugsiyo lacag la’aan ah ka hirgelineyso Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa si loo horumariyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed waxa ay sheegtay in ay Muqdisho  ka hirgelin doonto Iskuulaad Waxbarasho oo lacag la’aan ah, kuwaasoo isugu jira Hoose iyo dhexe kaddib kulan Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Macallimiin Masaari ah oo loogu tala galay in Iskuulaadkasi ay Masar ka hir gelineyso Magaalada Muqdisho isla markaasna ay iyagu maamulayaan, macallimiinta wax ka dhigeysana iyaga yihiin.

Soddon sano kaddib ayay Dowladda Masar dib u billaabeysaa Iskuuladii Waxbarasho oo ay kaga qeyb qaadaneysay horumarinta waxbarashada Soomaaliya,waxaana iskuulaadkaan maaddooyinka lagu dhigayo ay ku saleysanaan doonaan  Manhajka Waxbarasho  ee Dalka Masar, marka laga reebo maadooyinka Taariikhda iyo Juquraafiga oo Soomaaliya lagu saleyn doono si ay ardayda wax badan uga ogaadaan Taariikhda dalkooda.

Qunsulka ayaa sheegay in inta dowlada Masar ay ka hir gelineyso iskuulaadkaasi si KMG ah loogu shaqeyn doono iskuulada kala ah 15-ka May iyo Sheekh Xasan Barsame.

Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya Taamir Safwat oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa u mahad celiyay Macallimiintan Masaarida ah kuwaasoo Soomaaliya u yimid in ay wax baraan caruurta Soomaaliyeed.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale  dalkeeda  ku sugan Arday soomaaliyeed oo halkaasi wax ka barta kuwaasoo qaarkood Deeq Waxbarasho ka helay dalkaasi..

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waxay u socdaan in afka soomaaligs oo ah af hodan ah ay tirtiraan oo af carabi ay u qoraan dhalaanka yayyar sidaana sf soomaaligu u baabo . Dagaalkii sokeeye markuu ka socday somaaliya waxay dhihi jireen waa dadmadow oo daanyeero ah in la caawiyo suuro gal ma, ahan .waa kuwii shalay in caynaayey markii aad samrysateen horu marna waxay rabaan in ay af carabi wadankiina somaaliya ay ku qabsadaan. Dowlada iyo shicibka waa in ay ka hor tagaan xasuuqa afka somaaliga lana qore balad iyo baadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here