Dowladda oo gargaar degdeg ah gaarsiineysa deegaannada ay ka jiraan xaaladaha daran

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga Qaran ee xakameynta Covid-19.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta Covid-19.

Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa lagu go’aamiyay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo deegaannada ay xaaladaha daran ka jiraan oo Galmudug ay kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here