Dowladda oo Shacabka ugu baaqay in ay u dibadbaxaan si Nabad ah

975

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo Wabaahinta Qaranka  kula hadlay gudaha Xarunta Gurmad qaran, ayaa ugu baaqay dadka Dibad baxyada sameynaya ee ka mudaharaadaya Xasuuqii Zoobe in ay u banaan baxaan si nabdoon oo aysan sameynin Fowdo iyo Rabshado keeni kara waxyaabo aminga qatar ku ah.

 

Wasiirka, ayaa sheegay in Dibad baxayaasha ay la qeyb sanayaan Muragada iyo darreenkooda, ayna Dowladda aadkeysay Amaanka guud ee Caasimada, si Shacabka Soomaaliyeed dibadbaxyada ay wadaan uu ugu dhammaado si nabdoon.

Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto howlaha Gurmadka ah ee loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacday KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here