Dowladda Qadar oo cambaaraysay qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho

War-murtiyeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Qadar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii waxashnimada ahaa ee ay kooxda Argagixisada Al-Shabaab Shalay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa tacsi u dirtay Dowladda Soomaaliya iyo Ehelada Dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, iyadoo Dadkii ku dhaawacmayna Alle ugu rajeysay inuu bogsiiyo.

Xukuumadda Doxa ayaa sheegtay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la garab taagan tahay taageera kasta oo lagaga hor-tagayo ficillada gurracan ee Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here