Dowladda Soomaaliya ku amartay Diblumaasiyiinta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sacuudiga in dalka dib ugu soo laabtaan

Diblumaasiyiinta iyo uqeybsanayaasha ka howlagala Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaaladda Jida ee dalka Sacuudiga ayaa isku diyaarinaya inay dalka dib ugu soo laabtaan kadib markii Dowladda dhexe u yeertay inay dalka ku soo laabtaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Diblumaasiyiinta u dirtay qoraal kaas lagu wargalinayo inay muddo 30 Maalmood gudahood ah dalka dib ugu soo laabtaan gaar ahaan Wasaaradda Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.

Sababta rasmiga ee ka danbeysa u yeerista Masuuliyiinta Qunsuliyada ayaan la-ogeyn balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidaan oo kale marbadan u yeertay Safaari Soomaaliya u qaabilsanaa Safaaradaha ay ku leedahay dalal kamid ah Caalamka.

Halkan ka dhageyso Warka Wariye Cali Kuus Sacuudiga kasoo diray.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here