Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay fara-gelinta Sweden ee Sacuudiga

6180

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay cambaaraynaysaa talaabada Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Sweden ku fara-gelinayso arimaha gudaha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Hab dhaqankan waxaa uu mamnuuc ka yahay hanaanka iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya wadamada kala madax banaan sida uu qabo xeerarka caalamiga ah, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ahmiyadda ugu horeysa ayaa ah in la xoshmeeyo madax banaanida iyo qaabka dowladda u sameynayso hanaankeeda dowladnimo iyadoo aan lagu sameynaynin wax fara gelin dibadda ah.

Tani waa mabaadii’da aas aasiga oo caalamka uu xasaaniyad u ah,waan sida Soomaaliya ay rajaynaso in ay u dhaqmaan dhamaan wadamada xubnaha ka ah Bulshada caalamka.

Diinteena Islaamka waa Diin barako waxayna dadka u keentay in ay ilaaliso sharafta iyo Xoriyadda dhamaan ilmaha Nabi Aadan.

Sidaas darteed Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo hanaankeeda garsoorka in ay ka dhiidhiyaan arimahan oo kale, ma ahan dadka iyo dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya waa dhammaan wadamada caalamka Islaamka ayaa lagu soo geba gebeeyay Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here