Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay saameynta dhaqaale ee Covid-19

Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qyeb-galay ka shirka Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa caqabadaha dhaqaale ee uu sababay cudurka Covid-19.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shirka muhiimaddiisa uu ahaa sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee waddamada qaar uu u geystay Cudurka Coronavirus, isla markaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu Cudurka saameeyay.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay ku dhawaad 73 Wasiiir Maaliyadeed iyo masuuliyiinta hey’adaha dhaqaalaha Aduunka oo Khudbad ka jeediyay, waxaana leysku af-gartay in taageero maaliyadeed la siiyo waddamada soo koraya kuwaas oo saameynta dhaqaale uu ku yeeshay Covid-19.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here