Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday hay’ad dib u dejin u sameynaysa dadka ka soo laabanaya Xerooyinka Dhadhaab

1
1011

Munaasabad lagu soo bandhigayey hay’ad ka shaqeyn doonta dib u dejinta iyo takulaynta Qaxootiga Soomaalida ee dib loogu soo celinaayo dalka Soomaaliya iyo barakacayaasho, oo lagu qabtay xarunta Xalane ee magalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubo katirsan golihi wasiiradda xukuumadii kalsoonida ka waysay Barlamaanka federalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay laanta Qaramada Midoobay Qaxootiga iyo marti sharaf munaasabadda lagu cazuumay.
Hay’addan oo loogu magac daray hay’adda Takulaynta Qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa hoos imanaysa Wasaarda Arrimaha gudaha Soomaaliya iyadoona doorka ugu wayn ka qadan doonta dib u dejinta dadka qaxootiga ah e ee qaybihii ugu horeyey ay dhowaan soo gareen gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Agaasimaha wasaardda cafimaadka Soomaaliya Maxamed Cabdi Faraax oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadalay munaasabaddaasi ayaa sheegay in wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay u diyaar gadowday sidii dadkaasi ay u heli lahaayeean caafimaadka tayo wanaagsan oo lamid ah kii ay ku hayseen Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaabb ee dalka Kenya.
Sii-hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud dib u dhiska Soomaaliya Marwo Nadiifo Maxmaed Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in ay Wasaarada Howlaha Guud ay samaysay qorshe dib u dejin loogu samaynayo dadkaasi Soomaalida ah.
Dr C/raxmaan Ducaale Bayle sii-yahayaha xil Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiigi galinta maal gashiga Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay in ay farxad weyn u tahay in dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer ku noolaa Xero Qaxooti ay doortaan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo taasi oo muujinaysa sida Soomaaliya ay ugu soo kabanayso colaadihii sokeeye oo dalka ragaadiyay.
“Soomaaliya waxa kaliya oo ka maqan waa nabad nabadii hadii la helo waxkasta oo aduunka yaalo halkan Soomaaliya waa laga helayaa” ayuu yiri Dr Beyle sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Fedralka Soomaaliya Cabdulaahi Godax Barre oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ka badan 10 kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

“Sedax qeybood oo dadkaasi kamid ah ayaa dhowaan soo gaaray gobolada Jubbooyinka waxaana dadka intooda badan la dejin doonaa gobolada Jubbooyinka Bay iyo Gedo, waxaana la kaashanayaa dib u dejinta dadkaasi Soomaaliyeed Hay’adaha Qaramada Midoobay ,5 Milyan oo Yuuro waxaan noo balan qaaday Bangiga Aduunka” ayuu sheegay C/laahi Goodax Barre sii-hayaha Wasiirka Arrimaha gudaha.
Ku dhawaan qista hay’dan ayaa ku soo beegnaysaa iyadoo lagu wado in dalka Soomaaliya ay soo garaan 10 kun oo Qaxooti Soomaalida oo muddo 20 sano ka badan ku noolaa xerooyinka Qaxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa wax lagu farxo in ay dowladeenu maanta ku dhawaaqdo hay,ad dib u dejin ah oo ku dadaaleeysa dadkeena qaxootiga ah ee ku soo noqonaayo wadankoodi hooyo,
    marar badan ayaan dowladeena u qoray sideey u fiicnaan laheed in dowladu sameeyso hayad dib u dejin oo mas,uul ka ah dadka qaxootiga ah iyo kuwa barakacyaasha wadanka dhaxdiisa ku ah oo qaarkood degen yihiin hantidii dowlada ee aan haysan meelay dagaan.
    dowladu waa ku mahad santahay dadaalkaan ay ku dhaqaaqday, waxaana u rajeeynaynaa dadkaas walaalaheena ineey ka raysan doonaan qaxarkii iyo qaxootinimadii ay sanadaha dheer ku noolaayeen.
    dowladeena sharafta leh waxaan u rajeeyneynaa ineey howshaas culus ku guuleeysato.
    waxaa aad muhiim u ah in ay dowladu u xilsaarto masuuliyadaan culus dad wadaniyiin ah oo ka soo bixi kara howshaan culus.

    waxaan kaloo tala ahaan dowlada u soo jeedinayaa in ay qaxootigu markeey soonoqdaan ay u sameeyso shaqo abuur si aysan u noqon dadkaasu culeys dowlada korka ka saaran iyaguna u helaan nolal kariim ah oo ay gacantooda ku kasbadaan.
    waxyaabaha sahlikara shaqo abuurkaan waxaa ka mid ah.

    dadku waxeey u kala baxaan reer miyi iyo reer magaal.
    reer miyiga dowladu waxeey u sameeyn kartaa sidan.
    1- ineey ku garab istaagto beero falid iyadoo ku kaalmeeynaysa sanadaha ugu horeeya falitaanka beeraha abuurkooda iyo
    suuqgeynta ilaa ay helaan qibro ku filan.
    2- ineey siiso qoyskasta tiro xoolo ah kuna kaalmeeyso dhaqashada xoolaha iyo weliba suuqgeyntooda ilaa ay lugahooda ku istaagaan.

    reer magaalka waxeey dowladu u sameeyn kartaa ineey dejiso meelaha u dhaw bada waxeeyna bari kartaa kaluumeeysiga iyadoona u sameeyneeysa iskaashatooyin
    kuna garab istaagto suuq geynta.
    waxaana hubaa in qaybtaani ay muddo yar noqon doonaan dad ayagu dadka kale wax tari karo.
    waxeey kaloo dowladu sameeynkartaa qolooyinka aan badda u dhaweeyn ineey barto xirfado shaqo sida.
    1-harqaanka.
    2-cunto karinta.
    3-timo jarida iyo xino marinta.
    4-cilo bixinta kumbuyuutarka iyo moobeelada.
    5-koronto yaqaan.

    waxaan dowlada u rajeeynayaa markale in illaaheey ku garab galo howshaas culus.

    maalin farxad leh iyo anigoo idin leh

    DAL INOOW MACAAN YAHAY NINKII MEELKA JIRAYBAA OG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here