Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka iyadoo wasiirka wasaaraddasi uu sheegay in Khubaro loo dirayo goobahaas.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo Warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato badan gaarsiiyay degaanno ka mid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool.

Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray in Ayaxa uu bilowday Bishii Julay ee Sanadkaan, islamarkaana Wasaaradda ay waddo qorshe looga hortagaayo.

Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa tilmaamay in Ayaxa uu nabaadguuriyay degaanno badan oo ay ku noolaayeen dad Xoolo dhaqato.

Wasaaradda Beeraha ayaa diyaarisay qorshe lagula dagaallamaayo Ayaxa, islamarkaana Koox ka socoto Wasaaradda ayaa loo dirayaa degaanada ay dhibaatadu ka dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here