Dowladda Soomaaliya oo Xoghayaha guud ee QM u wargelisay in Nicolas Heysom aan laga rabin dalka kana shaqeyn karin

Wasaaradda oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ee ku salaysan xiriirka diblomaasiyadeed, waxa ay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha guud ee Q.M in wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Mudane Nicholas Haysom.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale, lagu sheegay in danjire Heysom oo jabiyay qawaaniinta caalamiga ah ee madax banaanida dal, isagoo sidoo kalena fara geliyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here