Dr Dufle “waxaan codsanaynaa in Cisbitaalka Keysaney sidiisa loo daayo”

2724

Xubno ka socday gudiyadda Arimaha bulshadda iyo Cadaaladda ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku tageen Cisbitaalka Keysaney ayaa u jeedkeedu ahaa u kuurgelinta xaaladda bukaanada jiifa.

Xildhibaanadda ayaa markii ay tageen Cisbitaalka waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuuliyiinta,Waxayna Kormereen qeybaha Kala duwan ee Cisbitaalka uu ka kooban yahay iyagoona ka xog wareystay xaaladda bukaanada.

Agaasime Ku Xigeenka  Cisbitaalka Keysaneey Axmed  Maxamed Axmed oo  la hadlay Warbaahinta Markii uu soo dhaamaday Kormeerka ayaa ka sheegay in Cisbitaalka uu shaqo muhiim ah u hayo bulshada Soomaaliyeed isla markaana adeeg caafimaad oo joogto ah uu siiyo bukaanada imaanaya.

Guddoomiyaha degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir Axmed Xasan  Yalaxow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay siiyaan Wasaaradda Cadaaladda dhul laga dhisaayo xabsi isagoo codsaday in Cibitaalka Keysane sidiisa loo daayo.

Xildhibaan  Axmed Aabi Aadan oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka  Guddiga Arimaha  bulshadda golaha Shacabka  iyo  Xildhibaan Cali  Yuusuf  Cismaan oo Xubin  ka ah  Gudiga  Garsoorka iyo arimaha  diinta iyo Awqaafta ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay balan qaadka maamulka degmada Kaaraan.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale sheegay in aysan habooneyn in Cibitaalkan hadda loo bedelo xabsi maadaama adeeg caafimaad oo aad u sareeya uu siiyo dadka Soomaaliya isla markaana Wasaaradda looga baahan yahay in ay xabsi ka dhisto dhulka hadda la siiyay.

Xildhibaan Cismaan Maxamuud  Dufle oo ah gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Cisbitaalkan uusan kaliya ku koobneyn  in dadka lagu daaweeyo balse uu yahay meel wax lagu barto.

“ Hadaan nahay gudiga adeega bulshada iyo gudiga kale oo nagu wehliya socodaalkan oo qoraxdan na soo bixiyay waa dareenkaas” ayaa yiri Dr Dufle.

Cisbitaalka Keysaney ayaa 1992 ka hor waxaa uu ahaa Xabsi, waxaana Wasaaradda Cadaaladda iyo Taliska Asluubta Soomaaliyeed wadaan sidii Cisbitaalka dib loogu soo celin lahaa xabisgii uu ahaan jiray maadaama baahi xabsi hadda ay jirto, hase yeeshee lama oga sida ay ka yeeli doono Wasaaradda Cadaaladda codsigan loo soo bandhigay.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here