Duqa Caasimadda oo kormeeray  goob ay  mashaariic kala duwan  ka waddo dowlada hoose ee Xamar ” SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa maanta kormeeray  gooba ay dowlada hoose Xamar ka fulineysay mashaariic kala duwan oo ku aadan horumarinta Caasimadda.

Kormeerkan waxaa Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaaye guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini,  waxaana howlahan booqasho ay qeyb ka yihiin mid uu maamulka gobolka ku xoojinaayo adeegyada lagu horumarinaayo Caasimadda.

Waxaana mid ah Xarumo cusub oo ay Dowladda Hoose ka hirgalineyso garoonka Diyaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cade Xarumahaan oo loogu adeegi doono shacabka Magaalada Muqdisho.