Duqa magaalada Muqdisho oo kulan la qaatay gudoomiyaha magaalada Bern ee Dalka Swizerland

Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamad Maxamuud (Cumar Filish ) ayaa dalka Koofur Afrika kulan kula qaatay Duqa magaalada Bern ee Dalka Swizerland Mr. Alec von Graffenried.

Labada masuul ayaa  kawada hadlay iskaashiga Labada Magaalo ee Bern iyo Muqdisho.

Gudoomiyaasha ayaa sidoo kale sidii maamulada labada magaalo ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarinta labadaan magaalo.

Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa caasimada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaadanaayay gudoomiyaal ka socda caasimadaha caalamka kuwaasi oo ka qeyb galaya shirka ka socda dalka Koofur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here