Duqa Mqudisho oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ra’isulwasaaraha hooyadiis

891

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen Muungaab  ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid hooyada dhashay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke oo ku geeriyootay wadanka Canada.

Duqa Muqdisho ayaa si gaar ah tacsi ugu diray Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid isagoo allena uga baryay inuu janadii firdowso ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo ehelada ay ka geeriyootay.

“Geeridu waa xaq qof walba oo inaga naga mid ahna wey ku imaaneysaa maxaa yeelay alle ayey xagiisa ka qorantahay waxeyna ka geeriyootay dhamaan dadka Soomaaliyeed samir iyo iimaana allaha ka siiyo ehelkii ay ka geeriyootay ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen Muungaab”

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here