Duqa Muqdisho oo ku dhiiro galiyey Ciidanka Booliska sugidda Amaanka Muqdisho

1,000 Dhalinyaro ah oo uu tababar uga socdo Magaaladda Muqdisho kuwaas oo kamid noqonaya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xalay booqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa dhalinyaradda ku dhiiro galiyey qaabka ay u doonayaan inay kaga qeyb qaataan sugida Amaanka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aanan loo dulqaadan doonin inay sii socdaan kooxo yar kuwaas oo doonaya inay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed gacan adagna arrintaas lagu qabanayo iyo qaabka amaanka loo wadajahayo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kale oo wehliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya kaas oo qeyb ka ahaa Kormeer xalay.

Halkan ka daawo Muuqaalka

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here